Hordhaca

hay,adda SAMOKAAB waa Hay, add maxali ah aan dowli aheyn, faaiido doona aan aheyn, kaas oo dhiirigelinaya isla markaana kashaqeyya arimaha bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo waraabka biyaha si loo helo nabad iyo barwaaqo.

hay,adda SAMOKAAB waxaa la aas aasay 18/october/2016 waxaana hal abuuray dhalinyaro soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo debadiisa kukala nool iyaga oo ka dhiidhiyay daruufaha nololeed ee dalkooda ujeedada ugu weyn ee loo aas aasay ayaa aheed wax uqabadka bulshada iyo dalkaba.

Aragtida dhaw ee hay,adda SAMOKAAB (Mission)

Hay adda SAMOKAAB waxa ay u taagan yihiin kuna taamayaan higelinta xarumo loogu talo galay in bulshada lagu caawiyo, sida  xarumo waxbarasho laguna wacyi geliyo bulshada laguna baro xirfadaha farsamada gacanta dhamaantood.

Aragtidaada fog ee haayadda (Vision)

Himilada hay.adda SAMOKAAB waa in ay horumariyaan bulshada si loo helo jiil leh mustaqbal loogana dagaalamo jahliga, caafimaad darada iyo biyo la aanta,